Home WARARKA Rag dhac ka geysanayay xaafado ka tirsan Muqdisho oo la qabtay

Rag dhac ka geysanayay xaafado ka tirsan Muqdisho oo la qabtay

36
0

Kadib howlgal ay sameeyeen saacadihii la soo dhaafay laamaha Amniga degmada Wadajir ee gobolkan Banaadir ayaa waxaa ay ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan laba Rag ah, kuwaas oo dadka Shacabka ah dhici jiray.
Raggaan oo watay Qoryaha AK47 ayaa xilliga la qabanayay waxaa ay ku guda jireen dhicitaanka dadka Shacabka ah, hayeeshee laamaha Amnioga oo ka warhelay ay soo qabteen, sida lagu sheegay War kasoo baxay Maamulka degmada Wadajir.
Laamaha kala duwan ee Amniga degmada Wadajir ayaa labada Ragga ah ee Burcadda hubeysan ahaa ku xiray Saldhiga Booliska degmada wadajir, iyada oo la sheegay in Maxkamad loo gudbin doono.
Qaar kamid ah Shacabka ku nool degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir ayaa aad u soo dhaweeyay soo qabashadaan raggaan, iyaga oo sheegay in ay dhibaato jy hayeen, ayna dalbanayaan in cadaaladda la horgeeyo.
Todobaadyadii la oo dhaagay ayaa dadka kunool Xaafada kala duwan ee degmada Wadajir waxaa ay ka cabanayeen rag hubeysan oo dhac u geysanaya, kuwaas oo ugu dambeyn badankood gacanta lagu dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here