Home WARARKA Rag dil ku eedeysan oo loo gacan geliyay saraakiil ka socda Dawlaada...

Rag dil ku eedeysan oo loo gacan geliyay saraakiil ka socda Dawlaada Degaanka Soomaalida

12
0

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa saraakiil ka socda dowlad degaanka Soomaalida ku wareejiyay laba nin oo ku eedaysan dil kuwaas oo laga soo qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa qoraal uu soo saaray ugu mahadceliyay Taliska Qaybta Booliska Mudug ee wareejiyay labada eedaysane.

“Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa  Qaybta Booliska Gobolka Mudug iyo maamulka Degmada Bursaalax oo saraakiil ka socota Dawlada Defaanka Soomaalida  gaar ahaan Gobolka Doollo ku wareejiyay laba nin oo ku eedaysan fal dil ah, kuwaas oo laga soo qabtay gudaha magaalada Boosaaso, soo qabashadooda waxaan sigaar ah uga mahadcelinayaa Qaybta Booliska Gobolka Bari iyo Maamulka Gobolka Bari” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland .

Saraakiisha ka socotay dawlada Degaanka Soomaalida ayaa iyafana ka mahad celiyay  soo qabashada Raggaan loo  gacan geliyay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here