Home WARARKA Ra’iisal Wasaare Xamsa oo ku bogaadiyey Shaqaalaha Soomaaliyeed dhabar adaygga ay muujiyeen

Ra’iisal Wasaare Xamsa oo ku bogaadiyey Shaqaalaha Soomaaliyeed dhabar adaygga ay muujiyeen

45
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aaddan maalinta Shaqaalaha Adduunka u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku bogaadiyey Shaqaalaha Soomaaliyeed maskaxda iyo muruqa ay geliyeen horumarinta dalka, ayaa xusay doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan sidii dalka uga soo kaban lahaa dib-u-dhicii gaaray.

“Shaqaalaha Soomaaliyeed oo ku shaqeeya duruufo adag, waxa ay muujiyeen hawlkarnimo iyo dhabar adayg, iyaga oo ka soo gudbay caqabado badan, si ay u xaqiijiyaan rajada iyo yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dib u soo kabashada dalka”.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saartay Ilaalinta xuquuqda iyo badqabka shaqaalaha Soomaaliyeed, kuwa dowladda u shaqeeya iyo kuwa aan dowladda u shaqaynba, lana abuuri doono fursado shaqo oo ay ka faa’iideystaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here