Home WARARKA Ra’iisal Wasaare Xamsa oo la kulmay  Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u...

Ra’iisal Wasaare Xamsa oo la kulmay  Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika

34
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Mike Hammer, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashi ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada ay Dowladda Mareykanku siiso Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga Gaarka ah ayaa kulanka diiradda ku saaray arrimo dhowr ah oo la xiriira xaaladda gobolka iyo xoojinta taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu Mareykanku ku taageero Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga , la dagaallanka Alshabaab ah iyo xasilloonida guud ee Gobolka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan tahay madax-bannaanida, iyo midnimada dadka iyo dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here