Home WARARKA Ra’iisal  Wasaare Xamse oo booqday Dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Hotel SYL

Ra’iisal  Wasaare Xamse oo booqday Dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Hotel SYL

33
0

Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo masuuliyiin kale oo la socotay ayaa xalay booqday Isbitaalka Erdogan ex Digfeer ee magaalada Muqdisho ay ku jiraan masuuliyiin iyo dad kale oo ku dhaawacmay weerarkii Hotelka SYL.

Xamse Barre ayaa u tagay isbitaalka Digfeer si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay weerarkii ay kooxda argagaxisada Al Shabaab ku qaaday hotel SYL ee kuyaalla agagaarka Villa Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha  ayaa dul istaagay ayaa alle uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo, isagoo ka waraystay maamulka isbitaalka xaaladaha ay ku sugan yihiin bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka, islamarkaa uga mahadceliyey dhakhaatiirta Isbitaalka Erdogan shaqada wanaagsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.

Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen hotelka SYL ee kuyaalla halka laga galo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaaana dadka ku dhaawacmay ku jira xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo dowladda katirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here