Home WARARKA Ra’iisal  Wasaare Xamse oo la kulmay safiirka cusub Turkiga u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisal  Wasaare Xamse oo la kulmay safiirka cusub Turkiga u qaabilsan Soomaaliya

65
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya  Alper Aktaş oo ay ka wada hadleen xoojinta  xiriirka walaaltinimo iyo Iskaashi ee ka dhaxeeya labada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo Safiirka cusub ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in Turkigu uu yahay walaal dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya, kaas oo xilliyo adag soo garab taagnaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, kana taageera dhinacyo badan oo kaabaya horumarinta dowlad-dhiska Soomaaliya.

Dhinaca  kale , Danjire Alper Aktaş ayaa tilmaamay in uu sii xoojin doono xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dalka, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed soo dhaweyntooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here