Home WARARKA Ra’iisal Wasaare Xamse oo Sagootiyay Safiirka Türkiga u joogay...

Ra’iisal Wasaare Xamse oo Sagootiyay Safiirka Türkiga u joogay Soomaaliya

54
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan saagootin ah la qaatay Safiirka sii baxaya ee Dowladda Türkiye u joogay Soomaaliya, Mudane Ibrahim M. Yagli.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Danjiraha muddadii uu ka howlgalayay Soomaaliya kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Türkiye.

Safiirka sii baxaya ee Türkiye, Mudane Ibrahim M. Yagli, oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay sidii wanaagsaneyd ee ay dowladda Soomaaliyeed iyo shacabka ugu garab istaageen gudashada waajibaadkiisa.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in Dowladda Türkiye ay tahay saaxiib dhab ah oo is-garab taagay Soomaaliya xilliyo adag oo ay soo martay iyo hadda oo lagu soo xadgudbay Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here