Home WARARKA Ra’iisal Wasaare Xamse oo waqti la qaatay shacab Xeebta Liido ku caweeynayay

Ra’iisal Wasaare Xamse oo waqti la qaatay shacab Xeebta Liido ku caweeynayay

52
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa waqti la qaatay shacab Soomaaliyeed oo ku damaashaadayey xeebta liido.

Booqashada Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ujeedku ahaa nabadda iyo xasilloonida ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho, isaga oo kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan doorka kaga aaddan nabadda iyo isdhexgalka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, booqashada waxa ku wehliyay madaxweynayaasha dowlad Goboleedyadda Galmudug,Jubaland ,Hirshabeelle, Wasiiro ka tirsan XFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ra’iisal wasaare Xamse ayaa socdaalka uu ku tagay Xeebta Liido waxaa ku Whliyay Madaxweynaha Jubland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabi Kaariye Qoor Qoor , Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe  iyo Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcale Madaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here