Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey amniga guud ee dalka, la dagaalanka Al-Shabaab iyo sidii loo sii adkeyn lahaa ammaanka caasimadda.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Gaashaandhigga, Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha, Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga, gaar ahaan xilligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hey’adaha amnigu ay la yimaadaan feejignaan dheeri ah, si Al-Shabaab aanay fursad ugu helin dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee cibaadada Alle ku jira.
Waxa uu hoosta ka xariiqay Ra’iisul Wasaare Xamsa sida ay mudnaanta koowaad ugu leedahay Xukuumaddiisa ciribtirka Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro geysta khasaaro kala duwan ka fuliya Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.
Kulankaan uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya isugu yeeray taliyeyaasha Ciidamada ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Al-Shabaab weerar qaraxyo ku billaawday ay ku qaadeen Hotelka SYL oo kasoo horjeeda Madaxtooyada Soomaaliya