Rasul wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Bare ayaa sameeyay isku shaandhayn baryahaanba la hadal hayay taasi oo wax kabadalaysa siyaasada arimaha gudaha iyo dibada Soomaaliya xili dowlada soomaaliya dagaal kula jirto duulaanka Dowlada itoobiya ku soo qaaday madaxbanaanida soomaaliya iyo argagixisada ka dagaalanta gobolada Koofurta.
Rasulwaase Xamse ayaa Wasiirka arimaha gudaha u magacaabay Masuul ka soo jeeda Puntland oo baryahaan danbe aad uga soo horjeeda siyaasada dowlada Dhexe sidookale heshiisyo ay ku carqaladaynayo arimaha siyaasada dibada soomaaliyana la gashay Dalka itoobiya.
Cali Yuusuf Cali Xoosh wasiirka cusub ee arimaha gudaha ayaa ka mid ah dadka aan siyaasad ahaan ku qanacsanayn qaabka maamulka Madaxweyne Dani ee ay la jaanqaadayaan siyaasada dalka intiisa kale.
Wasiirka arimaha dibada ayaa sidoo kale loo magacaabay Wasiirkii arimaha gudaha ee isla Dowladaan oo ka tirsan saaxiibada Madaxweyne Xasan shiikh Maxamuud taasi oo u muuqata talaabo ka nixinaysa Maamulada sida qaldan ula macaamila Dowladaha darika.
Axmed Macalin Fiqi oo ah wasiirka cusub ee arimha Banaanka soomaaliya ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka asagoo xilal waawayn loo magacaabay labadii xili doorasho ee Madaxweynha talada haya.
Sidoo kale wasiirka amniga ayaa loo magacaabay Generaalka Cabdullaahi Fartaag halka asbuucaan dhexdiisa la magacaabay agaasimaha hay,ada Nisa oo loo dhiibay Sanbaloolshe.
isbadalan cusub ee lagu sameeyay Arimaha Gudaha , Dibada iyo Amniga ayaa loo arkaa in Xukuumada Xamza ku dadaalayso in ay guulo ka gaarto dagaalka Alshabaab iyo midka ay iska kaashanayaan qaar ka mid ah Dowlada goboleedkayada iyo Ethopia.