Home WARARKA RW Xamse oo sheegay in Somaaliland lagu qiyaamiyeey Heshiskii ay la gashay...

RW Xamse oo sheegay in Somaaliland lagu qiyaamiyeey Heshiskii ay la gashay Itoobiya

35
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliland ay dowlad dhiska iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ay u tahay muhiimad weyn.

Wuxuuna intaa raaciyay in heshiis beenaadkii Itoobiya ay ahayd nasiib darro la doonayay in lagu kala fogeeyo laguna carqaladeeya isu soo dhowaashaha dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa hoggaamiyayaasha Soomaaliland ugu baaqay in ay kasoo laabtaan is-afgarad beenaadkii ay la galeen Itoobiya, kuna soo laabtaan qadkii saxda ahaa, wuxuuna intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay weli gacanteeda fidsan tahay, isagoo ku baaqay in lasii amba qaado wada hadakii billowday si aynu isu qancinna.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlayay madasha aragti wadaagga sanadlaha ah ee maxadka cilmi barista Heritage ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay muujiyeen dulqaad, isagoo tusaale usoo qaatay sida ay Soomaaliya u wanaajisay xiriirka ay wiiqday Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here