Home CIYAARAHA Sababtii Ka Dambaysay Guuldaradii Real Madrid Kala Kulantay Man City. – ...

Sababtii Ka Dambaysay Guuldaradii Real Madrid Kala Kulantay Man City. – ...

107
0

[ad_1]

Kooxda Real Madrid ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Man City kulan ka dhacay Etihad kana tirsanaa Semi-final-ka tartanka champions League iyada oo City ka ciyaari doonto final-ka tartanka ka dhici doona Isanbul.
Kooxda Real Madrid ayaa si xun u ciyaartay qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo kooxda Pep Guardiola dhulka ku jiiday kooxda Ancelotti kulan dhinac kaliya ahaa qaybta hore ee ciyaarta
Hadaba warbixintan waxan ku soo bandhigi doonaa waxyaabaha muhiimka ah ee laga bartay kulanka:
Habeen qadhaadh oo soo maray Real Madrid:
Dhiiri galin iyo fulinta waxa uu Guardiola u sheegay ayaa keentay in ay Man City bur-buriso Real Madrid iyaga oo xitaa ku adkeeyay in ay fikiraan taas oo keentay in ay sameeyaan khaladaad waali ah.
In ay Man City xidhay meelihii ay Real Madrid ka dhiibi lahayd baasaska ayaa keentay in ay kooxda Pep Guardiola kubada haysato 80% taas oo keentay in ay Real Madrid madaxa kor u qaadi kari wayday.
Inkasta oo ay Real Madrid guuldaro weyn kala kulantay Man City hadana Goolhaye Thibaut Courtois Ayaa u qalma amaan aad u badan marka la eego in uu Goolhayuhu Man City ka hor istaagay in ay dhaliyaan goolal badan marka la eego fursadihii 4-ta ahaa ee uu badbaadiyay.
Dhibaatadu ma ahan natiijada:
Dhibaatada kooxda Real Madrid ayaan gabi ahaan ahayn natiijada inkasta oo ay tahay 4 gool laakiin sawirka ayaa ah in ay Real Madri soo bandhigtay qaab ciyaareed liita taas oo keentay in ay Man City kubada haysato muddo 90 daqiiqo ah.
Dar-dartii Xiddigaha Man City ayayna xiddigaha Real Madrid kala hor tagin cadaadis iyada oo Ancelotti xal u waayay sidii uu ula dhaqmi lahaa qaab ciyaareedka kooxda Man City.
Ugu dambayntii waxa badiyay ciyaarta kooxdii u qalantay waana arin iska caadi ah maadama Man City loo arko kooxda ugu fiican qaarada yurub.

Related

[ad_2]

Source link

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here