Home WARARKA Saraakiil Ciidan oo xilka loo  kala wareejiyay

Saraakiil Ciidan oo xilka loo  kala wareejiyay

33
0

Taliye ku xigeenka ciidanka dhulka Jeneral Cabdullaahi Aaden (Cirro) ayaa xilka u kala wareejiyey taliyihii hore ee ciidamada guutada 27-aad ee Abuu Dujaana Gaashaanle Nuurdiin Xuseen Macalin iyo Taliyaha cusub ee guutada 27-aad ee Abuu Dujaana Gaashaanle Maxamed Nuur Maxamed Cabdi oo dhawaan uu taliska xoogga dalku u soo magacaabay guutadaan.

Xil wareejinta oo ay soo abaabuleen guddiga xil wareejinta oo uu hogaaminayay G/sare Yoonis Maxamed Cali oo ahaa guddoomiyaha gudiga xil wareejinta guutada Abuu Dujaana ee ciidanka xoogga dalka ayaa taiye xigeenka la wadaagay shaqadii ay soo qabteen iyo tiro koobka, ciiddanka guutada, hubka iyo Gaadiidka, taas oo lagu soo aruurshay galka xil wareejinta.

Taliye ku xigeenka ciidanka dhulka jenaraal Cabdullaahi Aden Xuseen Cirro oo xil wareejinta ka dib la dardaarmay Taliyaha Cusub ee Saraakiisha la shaqeynaysa ayaa sheegay in looga fadhiyo xoojinta Dagaalka lagula jiro Alshabaab oo ay door weyn ku leeyihiin cuidamada guutada 27-aad ee Abuu Dujaana

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here