Home WARARKA Saraakiil ka Tirsan Alshabaab oo lagu dilay gobolka Mudug

Saraakiil ka Tirsan Alshabaab oo lagu dilay gobolka Mudug

32
0

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa howlgal ku dilay saraakiil ka tirsan Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka ay galeen deegaanno ay ku sugnaayeen Al Shabaab ayna halkaasi ku dileen saraakiil katirsan Al Shabaab oo ciidanka dowladda kudaba jireen.

Ciidanka huwanta ah ayaa la sheegay in ay jidka u galeen gaari ay ku safrayeen xubno katirsan Al Shabaab oo xilligaasi marayay deegaanka Dumaaye, waxa ayna halkaasi ku dileen todobo xubnood oo katirsan Al Shabaab ay ku jireen saraakiil.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in howlgalka xubnaha lagu dilay uu ku jiro Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracadde) oo ahaa kuxigeenka madaxa jabhada Al Shabaab ee gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Waxa ay sidoo kale saraakiisha ciidanka xoogga sheegeen in howlgalka lagu dilay sarkaal kale oo ajnabi ah oo katirsanaa Al Shabaab iyo shan xubnood kale oo iyana ilaalo u ahaa saraakiisha la dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here