Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa tababar aqoon kororsi ah loogu soo xiray dalka Turkiga.
Saraakiishan ayaa muddo halkaasi ku qaadanayay koorsooyin la xariira barashada qibradaha muhiimka u ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku jira halganka dalka looga saarayo Alshabaab.
Saraakiishan oo la filayo inay dhawaan dalka ku soo laabtaan ayaa la rajaynayaa in ay gacan wayn ka gaysan doonaan hormarinta howlgalada sifaynta ee ciidanka xoogga dalka wadaan ee ka dhanka ah Al shabaab iyo dhaman howl shaqeedyada kale ee ciidanka xoogga dalka Qaranka.