Home WARARKA Saraakiil Turki ah oo soo gaaray Muqdisho

Saraakiil Turki ah oo soo gaaray Muqdisho

23
0

Saraakiil katirsan booliiska dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay saraakiil katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya.

Masuuliyiintaan Ka socda Turkiga ayaa la sheegay in uu casuumay Taliye Sulub, waxaana u jeedka socdaalkooda uu salka ku hayaa xoojinta wadashaqeynta labada ciidan iyo kordhinta mashaariicda dowlada Turkiga ay ku taageerto ciidanka Boliiska.

Taliye Xigeenka ciidanka Booliiska S/Guuto Zakia Xussen Axmed ayaa garoonka Aaden Cadde ee Magalada Muqdisho ku soo dhaweeyay madaxa xiriirka Dibada ee ciidanka Booliiska Turkiga Mudane Gökhan DEMIRTILA iyo Ku Xigeenkiisa Mudane Turgay OLGUN.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageerta tababarada iyo qalabeynta ciidanka Soomaaliya , waxa ayna Tukiga si gaar ah u tababaraan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here