Home WARARKA Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Hawlgal ka dhacay gonolka Bakool

Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Hawlgal ka dhacay gonolka Bakool

35
0

Howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, guutada 9-aad qeybta 60-aad ee gobolka Bakool ayaa lagu dilay Xubin ka tirsan Alshabaab oo lagu magacaabayay  Cabdulaahi Maxamed Yare oo loo yaqaano (Malaaq Qori).

Howlgalka waxa laga fuliyay deegaanka Garasweyne oo 50km dhanka galbeed kaga began degmada  xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

Xubintaan laga dilay Alshabaab ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa xubnaha  Sare ee Alshabaab u go’aamiya dilalka,iyo bixinta  ammarrada gobolka Bakool.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  ayaa  in muddo ah ku raadjoogay xubintaan ka tirsanaa Alshabaab ee la dilay iyadoo dilkiisa gacan ay ka geysteen shacabka degmada Xudur oo la sheegay in wada shaqeeyn  ay la sameeyeen Taliska Ciidanka Xoogga dalka qaybta 60aad oo Hawshaan fuliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here