Home WARARKA Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo lagu qabtay Hawlgal laga sameeyay gobolka Baay

Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo lagu qabtay Hawlgal laga sameeyay gobolka Baay

23
0

Howlgal  Qorshaysan oo ay  Ciidamada Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ka fuliyeen tuulada kuunyo buurow oo 30km dhanka Galbeed kaga beegan Degmada Buur-Hakaba ayaa waxaa lagu soo qabtay Xubin sare oo ka tirsan Alsabaab lagugana magacaabo Aadan Maxamed Cali Dhaayow oo muddo ka tirsanaa Alshabaab.

Ciidamada Daraawiishta KGS oo Maalmahaan degaanno ka tirsan Gobolka Baay  ka wada Hawlgallo ka dhan ah Alshabaab ayaa degmada Buurhakaba degaanno ka  tirsan ka bilaabay Hawlgallo lagula dagaalamayo Alshabaab.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa Xilli,Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdule uu kula dardaarmay saraakiisha qaybta 60aad ee xoogga dalka iyo Hogaanadooda in la xoojiya Hawlgalada lagula dagaalamau Xubnaha Alshabaab ee ku sugan degaannada Koofur galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here