Home WARARKA Sarkaal ka Tirsan kooxda Daacish oo la qabtay

Sarkaal ka Tirsan kooxda Daacish oo la qabtay

70
0

Taliska Ciiddanka Ammaanka ee dalka Iraq waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen Taliyihii Kooxda Daacish ugu qaabilsanaa Booliska magaalladda Mosul oo ah Caasimadda Gobalka Ninawa ee Waqooyiga dalkaasi.

Warbixin dhanka Sirdoonka iyo Dabagal socday ayaa suurtogelisay in Taliyahaasi oo lagu naanayso Abu Saqar lagu qabto gudaha Mosul oo 400 KM dhanka Waqooyiga kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee Baghdad.

Dagaalamayaasha Kooxda Daacish waxay horey maamuli jireen magaallada Mosul tan iyo sanadkii 2014-kii,  ka hor intaysan Ciiddanka Dowladda Iraq dib ula wareegin sanadkii 2017-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here