Home WARARKA Shaqaale samatabixin oo la xiriiray dad ku xanibmay burburka Dhisme

Shaqaale samatabixin oo la xiriiray dad ku xanibmay burburka Dhisme

52
0

Shaqaalaha samatabixinta ayaa sheegay in ay maqleen 11 qof oo ku hoos jiray burburka dhismaha ee magaalada George.

Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in ay geeriyoodeen, waxaana la la’yahay in ka badan 50 qof kaddib markii guri 5 dabaq ahaa oo dhismo ku socday uu dumay.

Sababaha keenay in guriga dumo ayaa weli la baarayaa. Muuqaal meel u dhow laga duubay ayaa muujinaya boor iyo dhismo sii dumaya.

Inta badan shaqaalaha dhismaha ka shaqeynayay ayaan weli la ogaan xaaladooda muddo ayeyna qaadatay in la helo tirada badbaaday.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa u tacsiyeeyay qoysaska dadkooda ku dhinteen dhimsha, wuxuuna ku baaqay in baaris la sameeyo.

In ka badan 10 shaqaalaha badbaadada oo wata eeyaha wax uriya ayaa baaraya si ay u helaan cid ku hoos xanibantay dhismaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here