Waxaa Magaalada Muqdisho shalay soo gaaray madaxweynayaasha Dawlada goboleedyada oo kala ah :
Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Shirka golaha wadatashiga ayaa baaqday bishii la soo dhaafay ee April, iyadoo madaxtooyada Soomaliya ay ku sheegtay sababta uu u baaqday arimo farsmo sodoo kale waxa jiray khilaaf oo aan la ogeyn dhinacyada u dhaxeyo oo aan xal laga gaarin shirka ka hor.
Dhinaca kale waxa shirka qaadacday oo sheegtay in aanayba aqoonsaneyn dawladda federaalka dawlad goboleedka Puntaland oo dhawr jeer oo horena ka baaqsatay ka qaybgalka shirrarka golaha wadatashiga qaranka.
Lama sheegin ajandaha shirka Muqdisho ka furmaya, balse kii baaqday bishii April ayay Villa Somalia waxa ay ku sheegtay in looga arinsanyo arimo masiiri ah oo ay kamid yihiin dhameystirka dastuurka iyo la dagalaanka Al-shabaab.