Home WARARKA Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo galay Maalintii laabad

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo galay Maalintii laabad

30
0

Magaalada Muqdisho waxa maalintii galay shirka Madaxda Dawladda Federaalka iyo Kuwa Maamul goboleedyada kaas oo looga hadlayo sida madaxtooyada Federaalku sheegtay dhamystirka Dastuurka KMG ah iyo dagaalka Al-shabaab.

Xog  ay heshay  warbaahinta gobolada ayaa sheegaysa  in shirka Maanta looga hadlayo Qodobka  , doorashada dawlad gobolleedyada oo intooda badan uu waqtigoodii dhacay, laakiin shirkan kii ka horreeyay muddo kordhin loogu sameeyay.

Waxana heshiiskaasi sheegayay in doorashada golayaasha deegaanka la qabto bisha soo aadan ee Juun, tan madaxawyenayaasha dawlad gobolleedyadana la qabto bisha Noofeembar ee sanad kan.

sida ku qorneyd heshiiska la gaaray May 2023 doorashooyinkaas waxa lagu sheegay in ay noqon doonaan qof iyo cod, mase muuqato in waqtigii loo qabtay iyo nooca doorashada ee qof iyo cod ah in ay ka hirgali doonto dawlada goboleedyada sanad kan, maadaama aanba la sameyn diiwaan galinta cod bixiyayaasha iyo magacaabidda guddiga doorashooyinka qaranka.

Puntland oo iyadu heshiiskaas la gaaray sanad kii hore aan qayb ka ahayn ayaa doorashadeeda qabsatay bishii Janaayo ee sanad kan 2024, waxana mar kale xilka ku soo laabtay madaxweyne Siciid Cabdillaahi Dani oo xiriirkaba u gooyay dawladda federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here