Home WARARKA Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo dib loo dhigay

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo dib loo dhigay

33
0

Dolwadda Soomaaliya ayaa dib u dhigtay shirkii Golaha Wadatshiga Qaran ee lagu waday in uu maanta ka furmo magaalada Muqdisho .

Hadal qoraal ah oo lagasoo saaray xafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya dib loo dhigay, sabatuna ay tahay arimo farsamo darteed.

Hadalkaasi qoraalka ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in “Shirkan oo muhiim u ah dowladnimada gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab , dhameystirka dastuurka iyo arrimo kale oo masiiri ah aya adib loo dhigay muddo kooban”

Lama sheegin waqtiga uu shirku dib u furmayo.

Dowlad Goboleedka Puntlanda ayaa hore u sheegtay in aanay ka qeybgaleyn shirka Wadatahsiga Golaha Qara, taas oo ay ku saleysan khilaafka dhanka dastuurka ee u dhaxeeyo Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here