Home WARARKA Somalia & Azerbaijan oo Wada hadlay Iskaashiga iyo Xoojinta Xiriirka ka  dhexeya

Somalia & Azerbaijan oo Wada hadlay Iskaashiga iyo Xoojinta Xiriirka ka  dhexeya

122
0

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukumadda Soomaaliya , Saalax Axmed Jaamac oo  Safar Shaqo ku jooga dalka Gaambiya waxa uu Kulan doceed la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Azerbaijan, Jeyhun Bayramov.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Azerbaijan ayaa lagu sheegay in Kulanka labada dhinac uu ka dhacay Madasha Shirweynaha 15-aad ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC uga socda Caasimadda dalka Gambia ee Banjul. Ra’iisal Wasaare  Ku-xigeenka Soomaaliya , Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Azerbaijan, Jeyhun Bayramov waxay ka arrinsadeen Xoojinta Xiriirka labada dal iyo inay Qanacsanaanta Heerka uu haatan marayo Iskaashiga labada Dowladood ee Jadwalka Shaqo ee Ururada Caalamiga, gaar ahaan QM, Ururka dalalka Dhexdhexaadka (The Non-Aligned Movement) iyo Kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ku leeyihiin Caasimadda dalka Gaambiyaa ee Banjul

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here