Somaliland ayaa shaacisay in muddo 2 billood gudahood ah lagu dhamaystiri doono heshiiska ay la galayso dowlada Itoobiya.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, oo waraysi siiyay warbaahin laga leeyahay dalka Jarmalka lagu shaaciyay in muddo laba billood gudahood ah lagu dhammaystiri doono heshiiskii is fahan ee ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Itoobiya 4 bilood ka hor.
“Wasiir Ciise Keyd wuxuu sheegay inay socoto dhammaystirka heshiiska isfahan ee ku wajahan inay ka kirayso Itoobiya 20 km oo xeebteeda ah, taasi oo ay Somaliland dhaafsatay inay Itoobiya aqoonsato madaxbannaanida Somaliland”
Wasiirka oo u warramay warsidaha Deutsche Welle ee dalka Jarmalka ayaa inta ku daray in wadaxaajoodyadu u socdaan labada dal isla markaana la dhisay guddiyadii farsamada ee ka shaqeynaya isku-duboridka dhammaystirka heshiiskii ay wada galeen madaxweyne Muuse Biixi iyo Raysal-wasaare Abiy Ahmed.
Hase’ahaatee , Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ka soo horjeedsatay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo Itoobiya uga digtay in ay Somaliland la gasho heshiis anay dowlada federaalka Soomaaliya raali ka ahayn.