Home WARARKA Somaliland oo laga xusay 18ka may

Somaliland oo laga xusay 18ka may

69
0

Degaannada Somaliland ayaa waxaa isugu soo baxay boqolaal dadweyne ah oo u dabaal degayey xuska 18-ka May, oo sanad kasta laga xuso Somaliland.

Munaasabadda ugu weyn ayaa ka dhacday fagaare ku yaala Xarunta Madaxtooyada Somaliland, waxaana ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiillada, Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani

Sidoo kale, waxa dabbaal degan ka soo qayb galay Wakiillada Dalalka shisheeye ee fadhigodu yahay Somaliland iyo Wufuud ka timid dalalka dibadda qaarkood oo lagu marti qaaday.

Fagaarahan wax kale dhoola tus iyo gaardis kusoo bandhigay ciidamada kala duwan ee Somaliland oo ku gaashaaman hub & Gaadiidka Dagaalka iyo qaybaha kala duwan bulshada ayaa iyaguna halkaas socod ku maray.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne hore Daahir Rayaale Kaahin, ayaa fagaarahaas kala hadlay dadweynaha, waxaanay ugu hambalyeeyeen xuska 18-ka May.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here