Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in loo diyaar garoobo difaaca Somaliland iyo doorashooyinka mudaysan 13 November.
Kulan ay Golaha Wasiirada Maamulka Somaliland yeesheen oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa laga soo saaray go’aamo ay kamid yihiin difaaca Somaliland iyo qabashada doorashooyinka.
“Goluhu wuxuu caddeeyey in doorashada wakhtigeedii lagu qabanayo, si adag looga difaacayo kuwa isu soo bahaysatay inay waxyeelleeyaan qarannimada Somaliland ee u soo hanjabaya ee colaaddu u cusub tahay” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Maamulka Soomaliland .
Qoraalku waxa uu intaa ku daray in shacbiga Somaliland ay waajib ku tahay inay sidaa ugu diyaar garoobaan doorashada iyo difaaca Somaliland.
Madaxwayne Ku Xigeenkii hore ee Puntland Axmed Karaash ayaa dhawaan sheegay in SSC Khaatumo ay u baahantahay qayb kamid ah magaalada Ceerigaabo in ay calankeeda ka taagto.
Sidookale atintaan ayaa imaaneysa iyadoo , xidhiidhka siyaasadeed ee Somaliland iyo Jabuuti uu xumaaday, kadib markii ay Jabuuti khatar u aragtay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, iyada Hogaamiyaha Maamulka SSC Khaatuma lagu martiqaaday caasimada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti .