Home WARARKA Soomaaliya iyo IMF oo shir looga hadlayo Dhaqaalaha ka furay Nairobi

Soomaaliya iyo IMF oo shir looga hadlayo Dhaqaalaha ka furay Nairobi

30
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo uu weyhiyo Wasiirka Wasaaardda Qorsheynta Qaranka  iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta daah-furay shirka dib-u-habeynta Maaliyadda ee Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adda lacagta Adduunka ee IMF, shirkaas oo socon doona muddo todobaad ah.

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa dib-u-eegis lagu sameynayaa wixii horumar maaliyadeed ah ee u qabsoomay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo muddo  Sadex bilood ka hor laga cafiyay deymihii cuuryaamiyay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Qodobada ugu muhiimsan ee looga wadahadlayo shir ayaa waxaa kamid ah sare u qadidda dakhliga Dowladda, hannaanka Maamul-wanagga Maaliyadda iyo horumarinta Barnaamijka Qorshaha Qaranka.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo furitaankii Shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliya ay u qabsoomeen qodobo la taaban karo oo ay ugu horreeyaan horumarinta illaha dakhliga Dowladda oo dadaal dheer ay galisay Wasaaradda Maaliyadda oo kaashanaysa Wasaaradaha Dowlad-Goboleedyada Dalka.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa u mahadceliyay dhammaan hey’adaha ka soo qeybgalay kulankaan oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Cadaaladda, Bangiga dhexe,  Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha iyo IMF iyo Bangiga Adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here