Home WARARKA Soomaliland oo Fariin u dirtay dalalka Deeq bixiyaasha ah

Soomaliland oo Fariin u dirtay dalalka Deeq bixiyaasha ah

29
0

Waddamada deeq bixiyaasha caalamka ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya usoo marsiisa deeqaha lacageed iyo mashaariicda ay ka fuliyaan dowlad goboleedyada dalka ka jira oo ay ku jirto Somaliland oo sheegtay in ay ka madax-bannaan tahay Soomaaliya .

Wasiirka Qorsheynta maamulka Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Axmed Toorno) ayaa ka dalbaday waddamada deeq bixiyaasha caalamiga ah in kaalmada ay siiyaan Somaliland si toos ah ugu soo wareejiyaan ayna usoo marsiin meelo kale.

Waxa uu sheegay wasiir Axmed Toorno in maamulka Somaliland uu yahay mid ka madax-bannaan dowladda Soomaaliya, waxa uuna ka dalbaday deeq bixiyaasha in Somaliland toos ugu wareejiyaan kaalmada ay siiyaan ama usoo marsiiyaan hay’ad ama shirkad gaar ah.

Dalalka deeq bixiyaasha caalamka ayaa u aqoonsan Somaliland maamul  ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya , waxa ayna deeqaha iyo waxyaabaha kale ay ugu talagaleen maamulkaasi soo marsiiyaan dowladda ee xarunteeda tahay Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here