Home WARARKA Soomaliland oo qorsheyneysa  dagaal ka dhan ah SSC Khaatuma

Soomaliland oo qorsheyneysa  dagaal ka dhan ah SSC Khaatuma

113
0

Somaliland ayaa sheegtay inay qorsheynayso duullaankii ugu weyna ee ay ku qaado Laascaanood, si ay dib ugu soo celiso gacanteeda, xilli ay taliso SSC-Khaatumo.

Milateriga Somaliland oo ku goodiyay inuu markale la wareegi doono qaybaha uu lumiyay gobolka Sool, ayaa sheegay in uu xataa dhaafi doono Laascaanood, taasi oo ka dhigan in xukuumadda Muuse Biixi ee muddo xileedkeedu dhamaaday ay duullaanka ku raadineyso dhibco ay doorasho ku gasho.

Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Jeneraal Nuux Ismaaciil Taani oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa waxa uu meesha ka saaray in awooddii ciidanka Somaliland ay wiiqmatay kadib markii looga adkaaday dagaalka Laascaanood, isagoo sheegay in ciidankiisu uu weli awood badan yahay, uuna u diyaarsan yahay inuu soo ceshado dhulkii uu ku lumiyay dagaalka, sida uu sheegay.

Hanjabaada Taliyaha Millateriga Somaliland ayaa ku soo aadeysa  xilli deegaanada gobolka Sool au maamulaan SSC Khaatuma , kaasi oo aqoonsi ka helay dowladda federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here