Home WARARKA SSC Khaatuma oo ka digtay weerar ay soomaaliland ku soo qaadeyso gobolka...

SSC Khaatuma oo ka digtay weerar ay soomaaliland ku soo qaadeyso gobolka Sool

51
0

Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa ka qaybgalay Isusoobax Bulsho oo Shacabka Magaalada Laascaanood ay ku taageerayeen Ciidamada Difaaca SSC-khaatumo, adkaynta Amniga Caasimadda, kobcinta Dhakhliga iyo kor u qaadista canshuur-bixinta.

Hoggaamiye Fardhiye ayaa ku ammaanay shacab weynaha SSC-Khaatumo sida ay markasta u garab taagan yihiin Maamulkooda, sidoo kale Hoggaamiyaha ayaa bogaadiyay Ciidamada Difaaca SSC-Khaatumo oo ah geesiyaasha shacabka reer SSC-Khaatumo ay dartood u haystaan Nabadda iyo Amniga.

Sidoo kale Hoggaamiyaha ayaa shacabka la wadaagay in Maamulka Somaliland iyo Muuse Biixi ay qorsheynayaan colaad iyo weerar ay ku soo qaadaan deegannada SSC-Khaatumo mar kale, isagoona ugu baaqay shacabku inay is garabtaagaan ciidanka Difaaca oo ah.

Waxa uu ugu baaqay Dawladda Federaalka Soomaliya in doorkeeda ka qaadato sidii loo difaaci lahaa Midnimada Jamhuuriyadda Soomaliya taasoo Maamulka Soomaliland u taagan yahay kala-goynteeda.

Dhanka kale, Hoggaamiyaha ayaa xusay in Beesha Caalamku ay indhaha ka daawanayeen denbiyada dagaal ee Muuse horey u galay iyo colaadaha uu hurinayo wakhtigan, Hoggaamiyaha ayaa sheegay cawaaqib xumada ka dhalataa colaadaha Muuse hurinayo ay Masuuliyaddeeda qaadayaan ciddii soo qaaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here