Home WARARKA Suldaan kamid ahaa Salaadiin tii ka qayb gashay shirkii Carta oo Jowhar...

Suldaan kamid ahaa Salaadiin tii ka qayb gashay shirkii Carta oo Jowhar ku geeriyooday

24
0

Allaha u naxariistee waxa magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ku geeriyooday Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shuceyb oo ahaa suldaanka beellaha Lixda Shiidlo sida uu xaqiijiyay Wasiirka warfaafinta ee Dawladda Federaalka Da’uud Aweys.

Suldaan Axmed Rashiid ayaa kamid ahaa odey dhaqameed kii ka qaybgalay shirkii Carta ee dib loogu yegleelay Dawladda Soomaaliya sanad kii 2000.

Suldaanka ayaa kaalin muuqata ku lahaa dadaallada dibu heshiisiinta ee gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya. Waxa kale oo uu qayb ka ahaa xulista xildhibaannada reer kiisa ku matala Barlamaanka Soomaaliya iyo kan gobolleedka Hirshabeelle, wuxuuna kamid ahaa 135-ta odey ee u diiwaan gashan Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Federaalka.

Maydka suldaanka ayaa llagu aasay tuulada Kulmisweyne oo hoostagta magaalada Jowhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here