Taliyaha ciidamada Sudan, Janaraal Cabdifatax Al-Burhan ayaa maanta kula kulmay magaalada Beijing ee xarunta Shiinaha madaxa shirkadda NORINCO oo ah mid ka mid ah shirkadaha qandaraaslayaasha difaaca ee ugu weyn adduunka, iyadoo la sheegay inay ka wada-hadleen sidii loo horumarin lahaa iskaashiga difaaca ee shirkadan soo saarta galabka militariga ay la leedahay militariga Suudaan.
Al-Burhan, ayaa ka mid ah hoggaamiyayaasha Afrika ee Shiinaha uu ku casuumay shirkadda iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.