Home WARARKA Taliska ATMIS iyo Dawlada Soomaaliya oo ka wada hadlay la dagaalanka Alshabaab

Taliska ATMIS iyo Dawlada Soomaaliya oo ka wada hadlay la dagaalanka Alshabaab

39
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed El-Amine Souef iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka ATMIS.

Wasiirka iyo Ergayga ayaa wada hadlay wada-shaqeynta dhinacyada Amniga iyo la dagaallanka Alshabaab , iyada oo isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga Amni ee labada dhinac, isla markaana si joogto ah ay u kala war qaadan doonaan hey’adaha amniga, si loo helo Soomaaliya xasilloon oo ka caaggan Alshabaaba.

General Fartaag Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa uga mahadceliyey howlgalka ATMIS doorka ay ka qaataan sidii Soomaaliya looga ciribtiri lahaa argagixisada diiddan horumarka iyo amniga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here