Home WARARKA Taliska xoogga dalka oo dar dar gelinaya tababarada ciidanka

Taliska xoogga dalka oo dar dar gelinaya tababarada ciidanka

40
0

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha Kuliyadda  tababarka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed ee Turkisom,  waxaana kulanka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa dhismaha iyo Tababarada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kulankaan waxaa si gaar ah Taliyaha iyo Saraakiisha Turkiga ay kaga wada-hadleen Horumarinta iyo dib u dhiska ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliye ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Saraakiisha Dowladda Turkiga u qaabilsan dhismaha iyo Hormarinta ciidanka Xoogga  Soomaaliyeed kala hadlay in sare loo qaado dhismaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here