Home WARARKA Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray Baydhabo

39
0

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal  Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray Taliska Qaybta 60-aad ee magaalada Baydhabo.

Taliyaha ayaa  salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaybta 60-aad, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay taliyaha qaybta Jenaraal  Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) iyo saraakiisha hoggaaminta.

Ujeedka Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal  Dayax Cabdi Cabdulle  uu u gaaray taliska qayb 60aad ayaa ah sidii loo sii xoojin lahaa howlgalada ka dhanka ah khaawaarijta ee ka socda deegaanada koofurgalbeed, isagoo saraakiisha taliska faray in loo dhimriyo shacabka ku nool deegaanada laga saaray Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here