29 kii Bishii 12 2006 waxaa caasimada dalka Magaalada Muqdisho soo galay Meletriga Itoobiya oo ku hubaysan Baabuur gaashaaman waxaana maalintaasi u ahayd umada soomaaliyeed iyo Reer Muqdisho maalin murugo leh mustaqbalookada walwal lagaliyay.
Dagaal 3 asbuuc socday oo ka dhacay deegaano dhaca Gobolada Bay,Bakool iyo gobolka mudug waxaa ku dhintay qiyaasta inka badan 2800 oo dhalinyaro xaq u dirirahaa oo ka dagaalamayay deegaanada Daynuulaay , Idaale , Goof gaduud ,Qansan dheere iyo magaalooyin kale iyo dhanka gobolka Mudug Magaalada Bandiiradley oo ay xasuuq ka gaysteen ciidamada Ethiopia oo adeegsanaya Taangiyo iyo Diyaaradaha dagaalka oo ku garaacayay deegaankaasi hubka culus si aan kala joogsi lahayn.
Qasaaraha dhimashada waxaa 2 jeer ka badnaa dhaawaca aan helayn gargaar caafimaad isbitaalo loola cararo iyo dowlad badbaadida dadkii dhalinyarada u badnaa ee difaacayay jiritaankooda.
Waxaa kale oo tiro aan la qiyaasi karin ku barakaceen dhulka miyiga ah ee Gobolada Bay , Bakool , Mudug , Galgaduud , hiiraan iyo shabeelada dhexe waxaana halkaasi sidoo kale ku baaba dad u badnaa ilmo iyo dad dan yar ah.
DHAGAYSO GUDUUMIHII BAAR LAMAANKII XORTAAHAA EE XILIGAASI SHARIIF XASSAN SHEIKH AADAN IYO SIYAASI FAARAX MACALIN OO BBC DA U WARAMAYAY XILIGAAS