Goolhayaha kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa sheegay in qaladaad badan oo ay kooxdiisu ku samaysay meelo muhiim ah ay sabab u ahayd in kooxdiisu guuldaro kala kulanto kooxda Man City kulankii Semi-final-ka champions League.
Labada kooxood ayaa barbaro 1-1 ah ku soo galay garoonka Bernabue laakiin Man City ayaa muujisay in ay aad u awood badan tahay kulankii danbe, waxayna ku soo baxday 4-0 ay ku badisay isku cel-celis ahaan 5-1.
Courtois ayaa 4 fursadood oo waali ah ka badbaadiyay Haaland isaga oo kooxdiisa ku sii hayay natiijada ciyaarta in ayna aad u badan.
“Runtii meel sare ayay nagu cadaadinayeen bilawgii, nooma ogolaan in aan ciyaarno mar walba cadaadis ayay nagu hayeen ilaa aan kubada ku soo celino daafaceena”ayuu yidhi.
“Si fiican ayaan ula tacaamulnay xilli hore, laakiin nuumay suurtagalin in aanu sida aan rabnay u ciyaarno, wax dhibaato ah kumaanu keenin kadib waxa ay dhaliyeen gool intaas badan ciyaarta maanu soo galin”.
Related