Wasiirka Wasaarada caafimaadka ee Xukyymadda Soomaaliya Cali Xaaji oo faahfaahin ka bixyay khsaaraha Qaraxyadii Alshabaab ay ka geysteen Xeebta Liido ayaa sheegay in Isbitaalada magaalada Muqdisho la geeyay 247-qof, dadka xaaladahooda ay fududeyd ee guryahooda aaday ay yihiin 137-qof, sidoo kale dadka ay xaaladdoodu liidato ayuu wasiirku ku sheegay in ay yihiin 11-qof, halka kuwa bukaan jiifka ah ee isbitaalada wali ku jira ay yihiin 64-qof, iyadoona dhimashada ay gaartay 37-qof sida uu wasiirka caafimaadka
Soomaaliya ku sheegay tirakoobkii u danbeeyay Dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Xeebta Liido Alshabaab ay ka geysteen.
Qaraxyadii ka dhacay Xeebta ayaa ahaa kuwii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.