Home WARARKA Tiradii ugu badneyd Xubno ka tirsan Alshabaab oo Dawlada isku soo dhiibau

Tiradii ugu badneyd Xubno ka tirsan Alshabaab oo Dawlada isku soo dhiibau

65
0

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay ay soo dhaweynayaan maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ka soo baxaya safka Al Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda, kaddib markii Madaxweynaha  Soomaaliya uu cafis u fidiyay qof kasta oo ka tirsan Alshabaab oo doonaya in uu iaa soo dhiibo.

Dowladda ayaa sheegtay in toddobaadyadii ugu dambeeyay boqol maleeshiyaad iyo horjoogayaal isugu jira oo muddo dheer ka tirsanaa Al Shabaab ayaa iska soo dhiibay deegaannada Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Muqdisho, kuwaas oo soo dhaweyn iyo daryeel ka helay dowladdooda sidoo kalena ka badbaadey shartii ay u diyaarinayeen Alshabaab .

Warka dowladda ayaa lagu sheegay in ay ku dhiira-gelinayso dhallinyarada ay qaldeen cadowga in ay isku soo dhiibaan dowladooda, sidoo kale dowladdu waxa ay bogaadineysaa kaalinta waalidiinta Soomaaliyeed ay ka qaateen in ay caruurtooda ka soo reebaan Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here