Home WARARKA Turkiga iyo Soomaaliya oo Heshiis kala saxiixday

Turkiga iyo Soomaaliya oo Heshiis kala saxiixday

35
0

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaliya Mudane Abdirizak Omar Mohamed iyo Wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku joogo Dalka Turkiga ayaa heshiis la galay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Dalka Turkiga Mudane Alparslan Bayraktar.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya  Abdirizak Omar Mohamed iyo dhiggiisa dalka Turkiga ayaa kala saxiixday heshiiska Hormarinta Hydrocarbon Soomaaliya iyo sida looga faa’iidaysanayo.

Qoraal uu soo dhigay Wasiirka bartiisa X ayaa ku yiri, “Aniga iyo dhiggeyga dalka Turkey Mudane Alparsalan Bayraktar waxaan kala saxiixday heshiis dawladeed laba-geesood ah oo ku saabsan horumarinta Hydrocarbons-ka oo ka mid ah kheyraadka dabiiciga ah ee dhaliya ilaha tamarta cayriin. Ayuu ku yiri wasiirka qoraalka uu soo saaray.

Dhawaan ayay ahayd markii dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay Heshiis dhinacyada Difaaca iyo Dhaqaalaha kala saxiixdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here