Home WARARKA Uganda oo shaacisay in Ciidankeeda ay joogayaan Soomaaliya

Uganda oo shaacisay in Ciidankeeda ay joogayaan Soomaaliya

34
0

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya, xitaa haddii uu dhammaado howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.

Nathan Mugisha, oo ah ku xigeenka madaxa howlgallada ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya, ayaa sheegay, in ciidamada Uganda ay sii wadi doonaan in ay ka howlgallaan Soomaaliya, taas oo uu xusay in ay qeyb ka tahay soo jeedinta howlgalka ATMIS ka dib.

Sarkaalkan waxa uua sheegay dhimista tirada ciidamada ATMIS in Al-Shabaab ay ka faaidaysteen oo ay geysteen weeraro ay ku qaadeen saldhigyada Atmis, isagoo sheegay in ay dib u soo ceshadeen dhulkii laga qabsaday.

Ugu dambeeyntiina  Taliyaha Uganda ayaa sidoo kale u sheegay Sunday Monitor in xitaa haddii ay dhacdo in UPDF laga saaro ciidamada cusub, ay sii wadi doonto joogitaankeeda Soomaaliya si ay u sugaan agabkooda iyo qalabkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here