Ku-dhawaad 30 Waddan oo Afrikaan ah, kana tirsan Dalalka islaamka ee ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa xaqiijiyey inay Codkooda ku taageeri doonaan sidii ay Murashax Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ugu guuleysan lahayd Tartanka Guddoomiyaha Cusub ee Ururka Midowga Africa.
Murashax Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo mar soo noqotay Ra’iisal Wasaare Ku-xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya waxaa Xilkaasi kula tartami doona Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Kenya, Raila Amola Odinga iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Djibouti, Maxamuud Cali Yuusf.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya , Axmed Macallim Fiqi ayaa sheegay inay Somalia guul weyn u tahay Taageerada ay ka heleen Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo ay ku bahoobeen 57 dal oo ay Ku-dhawaad 30 Waddan ay ka soo jeedaan dalalka Qaaradda Afrika.
Sidoo kale , Dowladaha Islaamka waxay si guud u taageereen Murashaxnimada Fowsiya Yuusuf Aadan ee xilka Guddoomiyaha soo socda ee Ururka Midowga Afrika ee xilli-sanadeedka 2025-ka ilaa 2028-ka.
Si kastaba, Taageerada Ururka OIC ee Murashaxnimada Soomaliya ee xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika waxay niyad-jab ku tahay Murashaxa Reer Kenya ee Raila Amolo Odinga oo dhowr jeer ku hungoobay Xilka Madaxweynaha dalkaasi oo u tartamay.