Home ARAGTIDA QARAAGA Wafdi uu Hogaaminyo Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray degmada Xarardheere

Wafdi uu Hogaaminyo Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray degmada Xarardheere

50
0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda oo isugu jira labada Aqal iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Xasan Sheekh iyo xubnaha la socday waxaa degmada Xarardheere kusoo dhaweeyay saraakiil katirsan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka iyo sidoo kale qeybaha kala duwan bulshada degan Xarardheere.

Waxaa sidoo kale degmada Xarardheere gaaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxa ayna labada Madaxweyne barxad kutaalla degmadaasi kula hadleen dadka deegaanka iyo saraakiisha ciidanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaana kulamo la qaadan doona saraakiisha ciidanka ee jooga degmada Xarardheere  iyo odayaasha degmadaasi, kuwaa uu kala hadli doono xaaladda degmada iyo sidii la isaga difaaci lahaa Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here