35 Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu eedeynayo Falal Burcad-baddeednimo oo Sabtidii la soo dhaafay laga dejiyey magaalladda Mumbai ee dalka Hindiya, kadib, markii lagu eedeeyey Afduubka Markabka Ganacsiga ee MV Ruen.
Dhallinyaradaasi oo lagu xiray Saldhiga Boliska ee The Yellow Gate Police Station ee magaalladda Mumbai ayaa waxay 34 ka mid ah Axadii la soo dhaafay ka soo muuqdeen Maxkamadda, ka hor intaysan Xeer-beegtida Maxkamadda amrin in 26 Eedeysane lagu sii hayo Xabsiga Booliska muddo 10 maalmood ah.
Bisha soo socota ee April 4-da ayaa la filayaa in 26-kaasi Eedeysane mar kale la soo taago Maxkamadda magaalladda Mumbai.
9 Eedeysane ayaan ka soo muuqan doonin Maxkamadda sababo la xiriirta iyadoo 8 Eedeysane sheegteen inaysan weli qaan-gaarin oo ay da’dooda ka hooseyso 18 sano, halka Eedeysane kale oo dhaawacan lagu daawaynayo Isbitaalka lagu magacaabo Sir J.J. Hospital ee Mumbai.
Wararka waxay sheegayaan in 8-da Eedeysane ee aan qaan-gaarin la dejiyey Hoy lagu hayo dadka da’da yar (An Observation home for minors) inta laga xaqiinayo da’dooda saxda ah.
Dhanka kale, Qareen lagu magacaabo Vishwajit Singh ayey Safaarada Soomaalida ku leedahay dalka Hindiya u wakiilatay inuu difaaco eedeysanayaasha Soomaalida loo haysto Kiiska Burcad-baddeednimada.
Vishwajit Singh oo Axadii hore ka hor hadlay Maxkamadaynta Eedeysanayaasha ayaa sheegay inay badankooda yihiin Xoogsato aan wax Dembi ah lahayn.
Sidoo kale, Muwaadin Soomaali ah oo haatan wax ka barta magaalladda Pune ee Gobalka Maharashtra ee Galbeedka Hindiya ayaa loo doortay inuu Turjumaan u noqdo Eedeysanayaasha Soomaalida, si uu u fududeeyo Wada-xiriirka dhanka Luqadda ee Xeer-beegtida Maxkamadda iyo Eedeysanayaasha.
Garsooraha Khaaska ( The Special Judge), A.M. Patil ayaa isagana sheegay in Su’aal Weydiinta Eedeysanayaasha Soomaalida lagu ogaanayo doorkooda saxda ee Dembiyada lagu soo eedeeyey.
Wareega Labaad ee lagu maxkamadeynayo Burcad-baddeeda Soomaalida ayaa la shaaciyey in la dhegeysan doono bisha soo socota ee April 4-da, iyadoo 26 Eedeysane ka soo hor muuqan doonaan.