Home WARARKA Wasaarad kamid ah Puntland oo korontada laga jartay

Wasaarad kamid ah Puntland oo korontada laga jartay

20
0

[ad_1]

Garoowe (soomaalinews.com) – Wasaaradda Warfaafinta Dolwad-goboleedka Puntland ayaa korontadii laga jartay kadib markii ay iska bixin waysay kharashka lagu yeeshay muddo dhawr bilood ah, sida ay inoo xaqiijiyeen illo wareedyo muhiim ah.

Wasaaraddan oo markii horeba deganeyd guri kiro ayaa waxay tahli kari weysay inay iska bixiso kharashka korontada ee lagu yeeshay dhowrkii billood u dambeeyay, taasi oo keentay in gebi ahaanba ay shaqadii wasaaradda u istaagto koronto la’aan kadib markii shirkada korontada ay ka jaratay.

Waxaa la xasuusta in wasaaraddan uu Saciid Deni horey ugu dhagax dhigay dhisme ay yeelaneyso wasaaradda warfaafinta Puntland, taasi oo illaa hadda la isweydiinayo halka uu ku dambeeyay.

Arrintan oo fadeexad horleh ku ah maamulka uu hoggaamiyo Saciid Deni, ayaa waxay imaneysa xilli ay billooyin uga harsan yihiin muddo xileedkiisa, islamarkaana uu maamulkaas ka taagan tahay xiisad xooggan oo ka dhalatay arrimaha doorashooyinka Puntland.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa muddooyinkii dambe loo jeedinayay dhaliilo culus oo la xiriira inuu ka gaabiyay bixinta mushaaraadka iyo kharaashadka kale ee muhiimka ah, ayada oo weli shaqaalaha rayidka ah ee Puntland iyo ciidamada amniga ay ka cabanayaan mushahaar la’aan joogto ah.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Deni ayaa dhaqaalihii u badna u weecisay hanaanka doorashooyinka lagu muransan yahay iyo meel-marinta qorshayaasha la xiriira damaca Saciid Deni ee dib u furista dastuurka iyo muddo kororsiga.

Isku soo wada duubo, Muranka siyaasadeed ee ka taagan Garoowe ayaa habeen hore isku rogay gacan ka hadal, ayada oo isku fara saareen ciidamo galbinayay agabka doorashada goleyaasha deegaanka iyo ciidamo taageersan siyaasiyiinta mucaaradka Puntland, kaasi oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale uu sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.

Dagaalkaas ayaa yimid saacado uun kaddib markii siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ay soo saareen bayaan ka dhan ah doorashada, kuna dhaliileen madaxweyne Saciid Deni.

Madasha Siyaasadda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in qaabka loo wado doorashada ay horseedayso xasilooni darro, ayaga oo dhaliil xoogan u jeediyay hoggaanka Puntland.

Si kastaba, doorashada goleyaasha deegaanka ee dowlad goboleedka Puntland oo qof iyo cod ayaa loo ballansan yahay 25 ka bishaan May ee 2023-ka, waxaase sii xoogeysanaya khilaafka ka dhashay doorashadan oo hadda sababay dagaal u dhexeeyo labada dhinac.



[ad_2]

Source link

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here