Home WARARKA Wasiirka Cusub ee Amniga Soomaaliya oo xilka la wareegay

Wasiirka Cusub ee Amniga Soomaaliya oo xilka la wareegay

46
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Salah Jamaamac, ayaa xilalka uu kula wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullahi Sheikh Ismaaciil – Fartaag iyo ku-simihii Wasaaradda Amniga Gudaha e Maxamed Cali (Xagaa).

Ra’iisul Wasaaraha oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda amnigu ay kamid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, sidaas awgeedna loogu dhiibay shaqsi aqoon iyo waayo aragnimo u leh, isaga oo intaas ku daray in laga sugayo sidii ay Soomaaliya u noqon lahayd meel ammaan ah oo ka caaggan Alshabaab .

Mudane Saalax ayaa xusay in qori kaliya aan lagu sugi karin amniga dalka oo loo baahan yahay in la xoojiyo hey’adaha sirdoonka iyo caddaaladda, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaata sugidda amniga Qaranka.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Xildhibaanno, Agaasimaha Hey’adda NISA, Taliyaha Ciidanka Booliska, Agaasimeyaasha iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here