Home WARARKA Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Netanyahu oo iscadilay

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Netanyahu oo iscadilay

86
0

Saddex Wasiir oo ka tirsan xukuumadda dagaalka ee Netanyahu ayaa is casilay, Benny Gantz oo ah musharrixii uu sida dirqiga ahaa doorashadii u dambeysay uu uga guuleystay Netanyahu oo iskaashiga wanaagsan la leh Mareykanka ayaa ka mid ah wasiirrada is casilay , wuxuuna ku dhawaaqay inuu sidoo kale xisbigiisa kala baxay xukuumadda Netanyahu, halka Gadi Eisenkot, taliyihii hore ee militariga Israa’iil oo ka mid xubnaha ugu muhiimsan xukuumadda dagaalka Netanyahu , ayaa isagana is casilay, xisbigiisana kala baxay, isla waddadan waxaa raacay Heli Troper.

Is casilada wasiirradan ayaa loo arka inay dedejinayso fashilka xukuumadda Netanyahu ,iyadoo dhammaan siyaasiyiintan ay dadaal gelin doonaan sidii loo qaban lahaa doorasho , xaaladan jahwareerka ah si deg deg ah looma sheegi karo saameynta ay ku yeelanayaan dagaalka Qasa oo udub-dhexe u ah khilaafka gudaha Israa’iil, sababtoo ah xubnaha is casilay ayaa ku eedeyay Netanyahu inuu ku fashilmay dagaalka, tan oo jirta waxaa si deg deg ah goor dhow loo sheegay inuu berri tagi doono Israa’iil, Wasiirka Arrimaha dibadda Mareykanka, Blinken.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here