Home WARARKA Xaflad mahad  Celin oo lagu qabtay degmada Gubadleey

Xaflad mahad  Celin oo lagu qabtay degmada Gubadleey

50
0

Maamulka Degmada Gubadley ayaa Xalay qabtay munaasabad loogu mahadcelinayay Madaxda Qaranka, maadaama dhowaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu Gubadley u aqoonsaday degmo rasmi ah oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Masuuliyiin uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil, Odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay munaasabadda mahadcelinta aheyd ee caawa lagu qabtay degmada Gubadley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here