Goobaha ganacsiga Magaalada Boosaaso ayaa maalintii labaad xiran waxaana ganacsatadu ka cabanayaan canshuur kordhin ay ku samaysay wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Mid kamid ah ganacsatada Boosaaso ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in wasaaraddu kordhin ku samaysay canshuurta macaashmaashka oo bishii joogta looga qaadi jiray $19 haddana loo sheegay in ay bixiyaan lacag dhan $59 doollar taasi oo farqiga u dhexeeya uu yahay $40 dollar .
Ganacsatada Boosaaso ayaa sheegaya in ay ka cabanayaan wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kordhin ku samaysay canshuurta ee laga qaadi jiray xarumahooda ganacsiga.